INTERNETKA MADOW AMMA INTARNETKA KHATTARTISA WATTA

 


Deep web waa qeyb ka mid ah internetka aan laga heli karin search engines sida Google, Bing ama Yahoo. Waa xog iyo macluumaad ka duwan kuwa laga helo internetka caadiga ah, waxaana ku jira macluumaad aad u qarsoodi iyo xog aan la xaqiijin. Deep web waxaa laga heli karaa oo keliya adeegsiga browser-ka khaasiga ah, sida Tor.


Qeybaha deep web waxaa ka mid ah:

• Macluumaad shaqsiyadeed oo qarsoodi

• Qeybaha shabakadaha ganacsi

• Isgaarsiinta qarsoodiga ah ee u gaar ah ciidamada amniga

Waxaa muhiim ah in la ogaado in deep web aysan 100% ammaan, maadaama ay jiraan qeybo ka mid ah deep web oo ay ku jiraan waxyaabo aan sharci ahayn, sida iibsashada alaabada la soo galo ama xog been abuur ah. Waxaa muhiim ah in la adeegsado deep web si taxadar leh.

Comments